CABISTA SIGAARKA IYO ISTICMAALKA TUBAAKADA, W/Q: Prof/Dr Osman Dufle
Qormadaan hoose, waxa qoray Prof/Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle, oo ah barre jaamacadeed, dhaqtar, khabiir caafimaad iyo senetor katirsan aqalka sare ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Prof/Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle CABISTA SIGAARKA IYO ISTICMAALKA TUBAAKADA WAXAA KA DHASHA KHATAR CAAFIMAAD IYO MID DEEGAAN Maanta oo ay bishu tahay 31 Maajo 2022 waa maalinta caalamiga ah ee loo asteeyey joojinta cabista Sigaarka iyo isticmaalka tubaakada, ( WORLD NO TOBACCO DAY ) taasoo looga gol leeyahay in bulshada caalamka looga wacyigeliyo khatarta isticmaalka tubaakada noocyadeeda kala duwan. Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa diirada saartay sanadkan 2022 sidii loo joojin lahaa cabista sigaarka iyo Isticmaalka Tubaakada iyadoo hal-ku-dhigga sanadkanna uu yahay “KA BADBAADI DEEGAANKA KHATARTA SUNTA SIGAARKA “PROTECT THE ENVIROMENT” taasoo loola jeedo dhibaatada ay u geysanayaan dhanka deegaanka iyo bulshada , sida: beerista, warshadeynta, qeybinta iyo istimaalkooda. ...