AKHRISO: HESHIISKA ISKAASHIGA IYO WADA SHAQEYNTA URURADA CAAFIMAADKA EE JAAMACADDAHA NIJEERIYA IYO SALAAM
Jaamacadda Salaam oo kamid ah, Jaamacaddaha ugu horeeya dhinaca waxbarashadda tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa waxa ay bixisaa kuliyaddo kala duwan oo leh takhasusaadyo kala duwan isla markaana ay wax ka bartaan kumanaan arday soomaaliyeed ah. Kuliyaddaha jaamacaddu ay bixixo ayaa waxa kamid ah kuliyadda Dawada iyo Qaliinka oo ay ka baxeen dhaqaatiir anfacay bulshadda Soomaaliyeed isla markaana ka howlgala xarumaha caafimaadka dalka iyo xarumo kale oo dalalka dunida ah. Ardayda ay soo saartay kuliyaddu, waxa ay takhasusyooda gaarka ah ka diyaariyaan jaamacaddaha iyo xarumaha caafimaad ee dunida.
Kuliyaddu waxa ay leedahay laba midow oo ay ku mideysan yihiin ardayda jaamacadda ee kuliyaddu. Labada midow waxa ay kala yiniin Midowga Ardayda Kuliyadda Dawada iyo Qaliinka(SUMSA), oo ay ku mideysan yihiin ardayda dhigata Jaamacadda iyo Midowga Dhaqaatirta Ka aflaxday jaamacadda gaar ahaanse Kuliyadda Dawada iyo Qaliinka oo loo soo gaabiyo SUMAA.
Midowgu kuliyaddu waxa uu leeyahay hormuud hagga howla ardayda ee kuliyadda. Waxa uu midowgu si dhab ah umatalaa dhamaan ardayda kuliyadda, isaga oo ka shaqeynaya arimaha hormarinta ee ardayda kuliyadda.
Iyadda oo taas laga duulayo ayaa gudoomiayaha midowga ardayda kuliyaddu waxa uu xiriir khadka taleefanka ah la yeesbay Dhigiisa Gudoomiyaha ardayda Kuliyadda Dawada iyo Qaliinka ee Jaamacadda Dowladda Nigeeriya.
![]() |
| University of Nigeria |
Gudoomiyaha Midowga ardayda Jaamacadda Salaam Dr Abdulhakim Sh Abdullah, ayaa waxa uu dhigiisa Dr Moses Amaechi kawada hadleen iskaashiga, aqoon isweydaarsiga iyo wada shaqeynta labadda urur iyo sidii ardayda labada jaamacadood isu weydarsan lahaayeen barnaamjiyo aqooneed oo ay labada dhinac ku faaiidaan.
Labadda gudoomiye, ayaa soo dhaweeyay isla markaana bogaadiyay xiriirkodoa cusub iyo wada shaqeynta labada dhinac. Waxa ay labadda gudoomiye isla garteen dhameystirka isfahamka labadda dhinac iyo dardargalinta iskaashiga cusub ee labada dhinac.
@Xafiiska Xoghayaha SUMSA

Comments
Post a Comment